Ogaal yar oo ku saabsan buugga Saacadihii Badbaadada - Diblomaasi.com (2024)

Halkaan ka akhriso qeybtii 24aad

Waddaniyad Xumada Maxaan Ka Dhaxalnay?

Bini’aadanka sidiisaba waa hadba sida uu iska dhigo haddii uu ku talo galo in uu wanaag sameeyo waxaa uu helaa miraha samaha uu sameeyay balse haddii Bini’aadanku ku kaco wax aan uhaboonayn mustaqbalkooda iyo tan guud waxay halis gelin karaan jiritaankooda iyo in ay noqdaan dad iyo dal jira.

Haddii inta waddaniyadda leh ay ka badanyihiin inta aan waddaniyada lahayn waxa ay saamayn kartaa in laga takhaluso inta aan waddaninimo kujirin. Waxaase daran dadka aan lahayn waddaniyad haddii uu hormuud unoqdo qaran ama ummad waxaa imaan doonta jiritaankooda fog oo mustaqbal in mugdi galo.

Haddaba haddii aan usoo daadego hadafkayga iyo yoolkayga aan usocdo, maxay keentay waddaniyad xumadu? Waxay keentay waxyaalo badan oo aan la soo koobi karin gaar ahaan dadkeena Soomaaliyeed.

  1. Qabyaalad: Waxyaalaha ugu xun ee laga dhaxlo qabyaalada waxaa asal u ah waa iyada oo la tuuro danta guud, lagana tago wada dhalashadii iyo hilib wadaagii ay qowmiyad lahayd taas oo lagu beddeshay damiir qabyaalad ka buuxdo iyo in si khaldan loo addeegsado qabiilkii iyadoo laga talaabayo xadkii ay lahayd laguna dhiirado hannaan aan haboonayn.

In adoo ujeeda waddo sax ah oo kuu muuqata oo aad ogtahay waddadaan halka ay tagto iyo amnigeeda oo aysan wax dhib ah kaaga imaan karayn mariddeeda haddii aad ka leexato oo aad qaado waddo ama wadiiqo mariddeeda aad ogtahay in uu dhib yahay, lana kulmi doontid wax aadan ku faraxsanayn, ciribteedunatahay halaag iyo qun goyn sow ma haboona in aad ka leexato una weecato tan habboon.

Dhibka ugu weyn ee haysta dadka waxa weeye iyagoo og falka ay samaynayaan waxa ka dhalan kara ayay haddana ku dhiiradaan in dadkooda u horseedo murugo iyo qaran jab. Haddii aan ka eego xagga Soomaalida, xaqiiqdii waxay dadka inta badan jecelyihiin qabiilka balse qabiilkii loogu talagalay in laysku garto kan xigtada ah haddii aad ubeddesho kawaran oo aad dhahdo, qabyaaladda kasiiwacan, sow dhib nagu ma ahan jiritaankeena iyo mustaqbalkeena fog. Adduunka waxay noo arkayaan in aan nahay dal aan jirin oo aan lahayn mabda’ iyo waddaninimo. Sow nacas walba iyo dal walba kugu soodhiiran maayo oo inta kuu yimaado oo ku dhaho waxaad tahay laandheere, adoo laan-dheeraa maxaa halkaan ku dhigay kac oo shaqeyso oo wax walba oo aad rabto baabi’i annaguna garab iyo gaashaan baanu kuu noqon iyo baalal aad ku duusho. Waxayna kugu dhiirigelinayaan in aad dalkaaga burburiso, qoriga iyo buntukha ku garaacdo oo aad layso xigaalkaa iyo dadkii aad isirka wadaagteen iyo burburka dalkaaga.

Adiguna aad madaxa ruxdo yeeshana wadiiqada xun, kuna kacdo fal xun, sow ma ahan damiir xumo iyo waddaniyad la’aan, damiirkaaguna kuma siin xaalka aad hadda ku jirto oo nacasnimo.

Qabiilka Rabbi waxa uu nagu yiri isku garta balse ma oran qabyaalad u addeegsada oo ku burbursha dalkiina, dadkiinana ku laaya, kuna dulmiya. Qabiil aragnay halka uu nadhigay iyo waxa uu na dhaxalsiiyay, sow ma haboona in aan garano wixii adduunkaan naloo keenay, sababta aan ujirno iyo dalka waxa naloogu sameeyay oo la yiri isaga noolaada dushiisa waxa uu idin yahay firaash. Haddii aad firaashkii ama meeshii aad seexan lahayd iska burburiso sow dhib kuma ahan adi?

Alle Qur’aankiisa waxa uu ku dhahay:-

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ

“War dadow waxaan idinka Abuurnay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelnay dadyow iyo qabaa’il, si aad isugu garataan. Midkiina idinku karaamada iyo sharafta badan waa midkiina idinku Alle ka cabsiga badan, Illaahay waa mid og oo khabiir ku ah waxaad samaynaysaan”.

Haddaba, sow kuma caddaan qabiil in uusan waxba kuu tarayn iyo qabyaalad toona, Alle ka cabsiga un ayaad ku liibaanaysaa oo meel ku gaaraysa waa in aad isaga ku dhegtaa.

  1. Addeecid la’aan: Bini’aadamka waxaa la faray in ay addeecaan madaxdooda, dadka hoggaamiya amarkoodana qaataan wax walbana looga dambeeyo iyaga. Haddii aad khilaafto mar walba, kana hortimaado wixii lagu amray waxay dhib ku tahay jiritaankaaga. Alle marwalba waxa uu ku celceshay Aayaad ka mida Qowlka Alle, in la addeeco Uulul amriga yacni madaxdooda, waxaan ka ahayn macsi iyo xumaan.

Waxa uu yiri:-

قال تعالى: ﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا ﴾ النساء: 599.

“Kuwii Illaahay addeecay iyo Rasuuulkiisa iyo Uluul amrigooda yacni madaxdooda oo idinka idin kamida, haddii aad ku murataan shay dhexdiis oo isku qabataan, ula noqda Allaah iyo Rasuulka, haddii aad tihiin mu’miniin rumeeyay Allaah iyo maalinta qiyaame, taas ayaa idin kheyr badan idina suurad wacan”.

Alle Subxaana watacaalaa, wuxuu Qur’aankiisa noogu caddeeyay in aan addeecno madaxdeena.

Nebigeena “NNKH” wuxuu yiri:-

وقال صلى الله عليه وسلم: ((السمع والطاعة حق على المرء المسلم فيما أحب وكرِه، ما لم يؤمر بمعصية، فإذا أُمِر بمعصية، فلا سمع عليه ولا طاعة)

“Dhagaysta oo addeeca qof kasta oo Muslim ah xataa haddii aad jeceshihiin ama necebtihiin, haddii uusan idin amrin macsi, haddii uu idin amro Macsi, yaan la dhagaysan, lana Addeecin”.

Haddaba waan fahmaynaa heerka uujoogo addeecidda madaxda iyo hoggaamiyaha in ay tahay lamataabtaan oo ay ku dhisantahay jiritaanka ummadda, haddii la caasiyana waxaa ka dhalan kara wax aan haboonayn oo aan la mahadin.

  1. Xumaanta oo la banaysto: Dembiyada aan ku dhacnay haddii aan nahay islaamka waxaa kamida in aan banaysanay xumaanta oo aan xalaashanay wax Eebbe naga xarimay. Waxaa haboon in aan Alle unoqono, kana waan towno xumaha iyo waxkasta oo Alle ka caraysiin kara. Haddii aan nahay Muslim wax badan buu Alle noo banneeyay, wax yarna waa naga xaraam yeelay. Soomaaliduna intii yarayd ee laga xarimay ayay ka dhigteen xalaal oo waa bannaysteen.

Waxaana ku dhacday carradii Alle, waxaana nagu habsaday Amni xumo, dagaal joogto ah, dulmi, abaaro joogta ah, fatahaado, damiir xumo, gaajo, faqri iwm. Alle wuxuu naga xarimay xumaanta oo dhan, hadday ahaan lahayd mid muuqata, mid qarsoon, iyo waxkasta oo aan xaq ahayn. Sidoo kalena Alle ayaan wax lawadaajinay, kuwaas oo Alle ku caddeeyay xujooyin cadcad iyo daliilo looga digaayo dadka. Alle waa mid og wax kasta oo aad ku hadasho, samayso, ku fekerto, iwm. Haddaba saw damiirkaagu kuma siinaayo in aad iska dhaafto xumahaan oo idil, una weecato wanaaga iyo wixii lagu farad yeelay.

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri isaga oo Nebiga ku leh usheeg in xumaanta mideeda muuqata iyo midda qarsoonba xaaraanyihiin.

قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ. (33) الاعراف

“Ku dheh Nebi Allow, wax kale maahane Alle wuxuu idinka xarimay xumaanta, midda muuqata oo aad samaysaan iyo midda qarsoon oo uurka ku haysaan iyo dembiyada”.

Alle waxaan ka baryaynaa in uu xaqa nawaafajiyo, Alle kacabsigana quluubteenana joogteeyo.

Markale Alle Qur’aankiisa wuxuu ku yiri:-

وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ

“Addeeca Allaah iyo Rasuulkiisa waxaad mudantihiin in Alle idin naxariisto”.

Waa in aan xumaha iska dayno, Alle usoo noqono oo dembi dhaaf waydiisano, kana joojino wax ummaddeena halaag ukeeni kara, dib udhac iyo damiir xumo. Waa in aan dalkeena u addeegno si Alle ka cabsi leh, dadkeenana unasteexayno si niyad furan, una addeegno si niyo ah. Waxaan gaaraynaa barwaaqo iyo nimco Eebbe, haddii kale waxaan ku jiraynaa dhibkaas aad aragteen iyo imtixaan joogto ah.

  1. Tanaasul la’aan:- Qaran burburka ugu weyn ee ina haysta waxaa ka mida in aan danta guud laysugu tanaasulin, dadkana la boobo, lana dhaco. Haddii amar uu ka soo baxo madaxa sare waa la khilaafayaa bilaa sabab, waxaana ka dhalan kara cadaab iyo dhib joogto ah.

Alle Qur’aankiisa wuxuu ku yidhi isagoo ka digaya in aan la khilaafin madaxdooda, haddii kale ay asiibayso fitno ama ay asiibayso cadaab kulul.

وقال سبحانه: ﴿ فَلْيَحْذَرِ الَّذِينَ يُخَالِفُونَ عَنْ أَمْرِهِ أَنْ تُصِيبَهُمْ فِتْنَةٌ أَوْ يُصِيبَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ ﴾ [النور

Waa in aan ka digtoonaano in aan ka hornimaadno madaxdeena, una tanaasulno qaranimadeena, iskana dhaafno damaca khaaska ah, waxaan hubaa in aan gaarayno heer sare, waxaan la tartamaynaa dunida waayo dadka Soomaalidu waa dad maskax badan, caqli badan, aadna ufirfircoon, hal-abuurna leh.

Allena wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi:-

وقال تعالى: ﴿ لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَ ذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا ﴾ [الأحزاب{

“Waxaa xaqiiqo ah in aad ku dayataan Rasuulka Alle, kudayasho wanaagsan, ruuxi rajaynaya in uu la kulmo Allaah iyo maalinta qiyaame, waa in aad xustaan Allaah inbadan”.

Waa in aan ka fekerno aakhiradeena, una shaqeysano adduun iyo aakhiro. Kana fekerno aayaheena fog si cilmiyaysan, raacnana talaabooyinkii uu Suubanaheenii qaaday, waxaa xaqiiq ah in aan liibaanayno.

  1. Run l’aan:- Qofka damiirkaleh oo Alle ka cabsiga badan oo jecel dadkiisa, dalkiisa, diintiisa waxa uu sheegaa runta, ma kagabado. Waxkasta oo dalkiisa uu u arko dhib, waxa uu ku dhiiradaa in uu sheego xataa haddii uu naftiisa ku waayayo. Qofka aan lahayn waddaniyadda waa midka daboola xaqa, muujiya xumaha, ummaddana ku maaweeliya been iyo marin habaabin. Waxkasta oo dadkiisa, dalkiisa, diintiisa dhib ku ah ma sheego oo runta waa dhibtaa, beenta ayuu ku raaxaystaa xumaha dalkiisa ayuu faafiyaa, waa ku farxaa dhibka soogaara dadkiisa, dalkiisa iwm.

Waxayna caddayn utahay qofka waxa uu yahay shaqsiyaddiisa iyo damiirkiisa. Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ” Runi rag kama nixiso” oo ula jeedaan in runta laysku sheego oo la caddeeyo xaqiiqada waayo horaa loo dhahay “Run iyo ilkaba waa lacaddeeyaa“, waa in runta la sheego lagana gaban.

وفي الحديث الشريف: ” قل الحق ولو كان مرا

Xadiiskaan Waxa uu oranaya “Sheeg xaqa haba kharaaraadee”.

Yacni in la sheego runta xataa haddii ay ka dhalanayso dhib, ama ayba ka kharaartahay dacarta halagaban ee sheeg xaqiiqada iyo sida ay wax ujiraan, haddii kale wixii aad qarsato way ku qarsadaan.

  1. Cafis la’aan: Bulshada Soomaaliyeed waxay ubaahantahay oo qudha dad waxkasta oo soomaray in ay iska cafiyaan, iskana ilaawaan waxkasta oo horay usoomaray. Bulshada Soomaaliyeed weli taasi kama hirgelin siguud balse waxaad moodaa in muddadaan danbe in waxbadan iska beddeleen oo hadda hayaan waddadii isku cafin lahaayeen.

Balse ruuxii laga waayo intaas oo ku siidhiirada in uu horay usii wado gabood falada ka dhex dhaca bulshada iwm, waxaan oran karaa waa qeyb kamida waddaniyad la’aanta, waxaana haboon in bulshadu iscafiyaan oo wax wada qabsadaan. Waa tii hore utiri Soomaalidu “Gacmo wadajir bay waxku gooyaan”. Bini’aadankuna waxa sal u ah in ay iscafiyaan oo dar Allaah isugu tanaasulaan. Waxaa Alle ugu beddelayaa wax ka kheyr badan, diinteenu aad bay udhiirigelisay cafiska, xoogga ayayna saartay. Waxayna ummadda islaamka ku boorisay in ay iscafiyaan cafis waafi ah.

Xadiis laga sooweriyay Suubanaheena {NNKH} wuxuu yiri:-

عن أبي ذَرٍّ جُنْدُبِ بْنِ جُنَادةَ، وأبي عبْدِالرَّحْمنِ مُعاذِ بْنِ جبلٍ رضيَ اللَّه عنهما، عنْ رسولِ اللَّهِ ﷺ، قَالَ: اتَّقِ اللَّهَ حَيْثُمَا كُنْتَ وأَتْبِعِ السَّيِّئَةَ الْحسنةَ تَمْحُهَا، وخَالقِ النَّاسَ بخُلُقٍ حَسَنٍ رواهُ التِّرْمذيُّ

“Alle ka cabso meel kasta oo aad joogto, xumaantana raacsii wanaag way tiraysaaye, dadkana kula dhaqan dabeecad wanaagsan”.

Xadiiskale oo laga sooweriyay Rasuulka {NNKH}, oo ku saabsan carada iyo xanaaq iyo in uu qofku isdejiyo haddii uu dareemo xumaan iwm. Wuxuuna yiri:-

عن أبي هريرة رضي الله عنه: أن رجلًا قال للنبي صلى الله عليه وسلم: أوصني، قال: ((لا تغضب))، فردد مرارًا، قال: ((لا تغضب))؛ رواه البخاري

Abuu Hurayra Alle raali haka noqdee, waxaa laga weriyay: In nin Rasuulka “NNKH” u yimid oo ku yiri “Rasuul Allow ii dardaaran, Rasuulka “NNKH” wuxu ninkii ku yiri: Ha caroon, Su’aashii buu ku celceliyey, Nebiguna “NNKH” wuxuu ku celceliyey ha caroon”.

Waxaan kaloo sooqaadan xadiiskale oo uu sooweriyay saxiixu Muslim waxaa uu sooqaatay xadiis caddaynaya wanaagu in uu yahay samafal oo dembi kasta oo aad gasho in aad Alle utoobad keento, dembi dhaafna waydiisato qofka aad waxkagashay waa muhiim.

عن النواس بن سمعان رضي الله عنه، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ((البر حُسن الخُلق، والإثم ما حاك في نفسك وكرهت أن يطلع عليه الناس))؛ رواه مسلم.

Nawaas Bin Samcaan (Alle raali haka noqdee) waxaa laga weriyey in Nebigu “NNKH” uu yiri “Wanaagu waa dabeecadda wanaagsan, dembiguna waa wixii nafsadaada dhibaya oo nacaysid in dadku kugu arkaan”.

Waa in qofkaska wanaag ka shaqeeyo, waxkasta oo aad ka tabanayso qof, bulsho iyo qaran in aad Alle dartiis isaga cafiso, waxaa laga yaabaa in maalin aan maalintaas ahayn aad hesho, adigana faa’ido ayay kuu tahay oo qalbigaagu wuxuu noqonayaa mid saafiya oo ka madax bannaan calool xumo iyo gocosho.

  1. Xishood la’aan: Waa muhiim in bini’aadanku kala xishoodo, kana xishoodo waxkasta oo u arko in falcelis ka imaan karo, waana muhiim in sharaftaada, karaamadaada, iyo mustaqbalkaaga ilaashato. Waa muhiim qofkasta oo Muslim ah in uu xishoodo, kana xishoodo waxkasta oo keeni karta dib udhac, karaamo darro iwm. Waddaniyad xumada waxay keentay in nin lagu tuhmaayo aqoon, garasho, muwaadinimo in uu dalkiisa usoohago wax dhib ukeeni kara, hadday ahaan lahayd qaranka ama bulshada iyo dhaqanka. Waa muhiim in qofka waddaniga ah ka fogaado waxkasta oo carqalad u keeni kara oo dib udhac iyo gocosho keeni kara waa in aad ka dheeraato.

Xishoodku aad bay noogu boorisay diinteena suuban, waxaana waajib ah qof kasta oo Muslim ah in uu xishoodo kana xishoodo waxkasta oo dembi ukeeni kara.

عَنْ ابْنِ مَسْعُودٍ عُقْبَةَ بْنِ عَمْرٍو الْأَنْصَارِيِّ الْبَدْرِيِّ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم “إنَّ مِمَّا أَدْرَكَ النَّاسُ مِنْ كَلَامِ النُّبُوَّةِ الْأُولَى: إذَا لَمْ تَسْتَحِ فَاصْنَعْ مَا شِئْت” . رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ.

Abuu Mascuud Cuqbata Bin Camrin Al-Ansaariyi Albadriye (Alle raali haka noqdee) waxaa laga wariyey in Rasuulku (NNKH) uu yiri “Dadku waxay ka helaan Anbiyadii hore hadalkoodii ahaa: Haddii aadan xishoonayn samee wixii aad doonto”.

Qofka damiirkiisa waxa uu ku xidhanyahay hab dhaqankiisa, hadday ahaan lahayd hadal wanaagsan, ficil wanaagsan iyo aragti wanaagsan. Waa in aad ka fekerto hadafkaaga iyo yoolkaaga mustaqbal.

  1. Xaaraan: Waxaa inbadan ummadda halaagay in ay cunaan wax aysan xaq ulahayn hadday ahaan lahayd in ay sadbursi iyo caddaalad daro waxay ku helaan in ay quutaan, xirtaan una hoydaan.

Qof kasta oo islaam ah waxaa ka mamnuuc ah in uu la yimaado waxkasta oo xaaraan ah. Waxaana waajib ah in uu ka dheeraado falkasta oo Alle uga caroonaayo. Waxyaalaha xaaraanta ah ma ahan oo keliya in aad macsi ku dhacdo balse waxaa ka mida in aad afka iska mariso wax aadan lahayn xoolaha dadweynaha, wax lagugu aaminay oo sigooniya uqaadato iwm. Diinta Islaamka aad bay noogu boorisay in aan isaga dheeraano waxkasta oo xaaraan ah oo aan haboonayn, waxaana soo qaadanaynaa xadiis iyo aayado.

قوله تعالى : يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُلُوا مِنْ طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ

Alle wuxuu yiri “Kuwii Illaahay rumeeyayow cunna wixii wanaagsan oo aan idinku arsaaqnay”.

عَنْ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ -رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَاقَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ ﷺ يَقُولُ وَأَهْوَى النُّعْمَانُ بِإِصْبَعَيْهِ إِلَى أُذُنَيْهِ:” إِنَّ الْحَلَالَ بَيِّنٌ، وَإِنَّ الْحَرَامَ بَيِّنٌ، وَبَيْنَهُمَا مُشْتَبِهَاتٌ، لَا يَعْلَمُهُنَّ كَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ، فَمَنِ اتَّقَى الشُّبُهَاتِ، فَقَدِ اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ وَقَعَ فِي الْحَرَامِ، كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى، يُوشِكُ أَنْ يَقَعَ فِيهِ، أَلَا وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى، أَلَا وَإِنَّ حِمَى اللَّهِ مَحَارِمُهُ، أَلَا وَإِنَّ فِي الْجَسَدِ مُضْغَةً، إِذَا صَلَحَتْ، صَلَحَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الْجَسَدُ كُلُّهُ، أَلَا وَهِيَ الْقَلْبُ. مُتَّفَقٌ عَلَيْه

Abuu C/llaahi Nucmaan Bin Bashiir Alle raali haka noqdee wuxuu yiri “Waxaan maqlay Rasuulkii Illaahay “NNKH” oo oranaya: ” Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, dhexdoodana waxaa ah shubuhaad, mana oga in badan oo dadka kamid ah, ruuxii ka dhowrsada isu-ekaantaas wuxuu la bari noqday diintiisa iyo sharaftiisa balse ruuxii ku dhaca shubuhaadkaas wuxuu ku dhacay xaaraan, wuxuuna lamid yahay Ari raacii ku raacay Ariga beerta hareeraheeda, waxaa dhow in arigu beerta daaqo, Baraaruga’ e boqor kastaa wuxuu leeyahay seero, Illaahay seeradiisu waa xaaraanta, baraaga e,. Xubnaha qofka waxaa ku sugan cad yar oo hilib ah, oo haddii uu wanaagsanaado xubnaha kale oo dhan way wanaagsanaanayaan, haddii uu xumaadana xubnaha kale oo dhan way xumaanayaan, baraaruga xubintuuse waa qalbiga”.

Haddaba sida ku cadxadiiskaan dheer waxa uu inoo sheegaya in ay kala cadyihiin xaaraanta iyo xalaasha, waxyaalaha isu eg ee tushuushku ku jiro in laga dheeraado, laga fogaado inta laga dhowrsanaan karo, haddiise aadan ka dhowrsan in aad goysay soohdintii Alle oo waxaad ka talowday waddo lagaa joojiyay, waxaana ku dhacaysaa dembi iyo gabood fal.

  1. Nadaafad xumo: Astaamaha lagu garto waddaniyad xumada waxyaabaha ka dhasha waxaa ka mida in waddooyinka iyo goobaha aan loogu talagalin qashinka in la dhigo. Waxaad arkaysaa qof muwaadin ah oo Soomaali ah oo inta biyo xal ah aadna wasakh u ah ku daadinaya waddada ay dadku marayaan ama waxaad arkaysaa muwaadin inta qashin sooqaada oo dhiga waddooyinka iyo faras magaalaha. Muwaadinka waddaniga ah waxaa lagu gartaa waa midka ka dhiidhiya in uu qashinka dhigo meesha loogu talo galay meel aan ahayn waayo waxkasta waxaa loo sameeyay goob lagu uruursho wixii aan loo baahnayn.

Iimaanka waxaa ugu hooseeya waa in aad ka qaado waddada wixii dhibaya ummadda Islaamka ah, waa adoo ka leexiya waddada shay dhibaya waa meesha ugu hoosaysa iimaanka. Kawaran haddii lagaawaayo adi oo ah qof Muslim ah oo inta aad qashin ama wasakh sooqaado lana soo aado waddada? Ruuxa waddaniga ah waa midka ka ilaasha waddankiisa, hoygiisa waxkasta oo aan araga uroonayn, caafimaadka udaran, bulshada kugu xeerana dhibsanayso.

عَنْ أَبِي مَالِكٍ الْحَارِثِ بْنِ عَاصِمٍ الْأَشْعَرِيّ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ الطَّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ

Abuu Maalik Alle raali haka noqdee waxaa laga soo weriyay in Rasuulku (NNKH) yiri “Nadaafaddu waa iimaanka barkiisa”.

Qofkasta oo islaam ah waa in uu xoogga saaraa sida uu u ilaalin lahaa faya dhowrka deegaankiisa, naftiisa iyo hoygiisa, Waana qeyb kamida Islaamnimada iyo waddaniyadda.

  1. Jidgooyo ama Isbaaro: Waxyaalaha lagu garto in waddaniyaddii dhimatay, iimaankiina naaqusay waxaa ka mida in qofku noqdo qaadicul dariiq, isbaaro dhigte oo ummaddii islaamka oo safarka ah ama maraayay waddooyinka in jidgooyo loo dhigto, lagana qaato wixii uu haystay oo idil, haddiiba uu naftiisa ka badbaado ayuuba burosidaa. Waana qeyb kamida oo ka dhashay waddajiyada la’aanta.

Diinteenu suuban aad bay inoogu sheegtay in la sameeyo jidgooyo oo islaamka xoolihiisa oo aan raali ka ahayn la dhaco, ayna ka dhalato carro Eebbe iyo naxariis la’aan waayo majiro dembi kaweyn. Kaba sooqaad qof maskiin ah oo xamaali ah ayaa quudiya agoon ama dad tabaalaysan oo aan waxba haysan, ka bacdiina waxa uu soohelay kis yar oo ay halmar quutaan, isaga oo soowada ayuu soomaray waddo ay joogaan qowlaysato dadka dhaca, kadibna waxay ka qaateen intii uu haystay oo idil. Kawaran qalbiga dulmanaha oo maskiinka ah oo u soodhididay kista yar una waday masaakiin balse dhanka kale kawaran masaakiintii loowaday oo rafaadsanaa? Sow ma dhihi karno waxaaba ku dhacaysa cuquubadii dadkaas intaan lagaarin aakhiradiisa?

Alle wuxuu yiri “ kuwii abaalkoodu wuxuu noqonayaa Alle iyo Rasuulkiisa ladagaalamaya, soconaayay arlada dhexdeeda fasaad, waa in la dilo, ama la salbiyo ama lagooyo lug iyo gacan isdhaaf ah ama laga ma saafuriyo arlada, arrinkaas waa qeyb kamida abaalmarinta adduunyada, aakhirana waxaa usugnaaday Cadaab daran. Allow naga badbaadi.

فقوله تعالى: ]إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الأَرْضِ فَسَادًا أَنْ يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُمْ مِنْ خِلافٍ أَوْ يُنْفَوْا مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيم

Haddaba waad dareemi kartaa cawaaqib xumada ka dhalan karta in aad noqoto ruux dadka dhaca oo hantidooda banaysta adoo addeegsanaya xoog iyo xeelad. Mana wacna in adoo Muslim ah og heerka ay diinta islaamka ka joogto jidgooyada in aad haddana aad dhigato jidgooyo, wixii aad ka sooheshana quudiso dadka kale oo aad ka dherjiso xaaraan, miyaysan kula haboonayn in aad ka waantowdo taas.

  1. Jaajuus: Jaajuus waxaa la dhahaa ruuxa ka socda waddan, ama koox oo rabba in uu dad kale ama waddan kale xogtiisa iyo siraha uqarsoon ugudbiyo dadka uu ka socdo. Haddaba qofka jaajuuska sidiisaba ma ahan ruux haboon, waxa uu war ka qaadaya ruux aanba hayn war oo wuxuu aaminayaa ruuxaan isagoo siinaya sirtiisa oo idil si daacadnimo ku jirto, kan lagu sir qarsadayna wixii uu helay oo dhan ayuu ugudbin meeshii laga soodirsaday. Haddaba haddii aan isla garanay ereyga jaajuus, kawaran adiga oo Soomaali ah haddii aad dalkale ka socoto oo aad timaado dalkaagii hooyo, kadibna aad gudbiso xogaha sirta ah ee dalkeena uqarsoon, maxaa ka dhalanaya? Miyaa lagu dhihi karaa waxaad tahay muwaadin ama waddani?

Haddiise dawladdu ku ogaato waxaad tahay khaa’in waddan oo waxaad khiyaantay waddankaagii iyo dadkaagii oo idil, waxaana tahay dil toogasho ah. Waana qeyb kamida damiir xumida ka dhalata waddaniyad la’aanta, waxaa haboon in laga waantoobo arrintaas oo aan lagu xadgudbin sharafka iyo karaamada dalkaaga, dadkaaga iyo diintaada.

وعن أبي هريرt قَالَ: قَالَ رسولُ اللَّه ﷺ: لا تَحاسدُوا، وَلا تناجشُوا، وَلا تَباغَضُوا، وَلا تَدابرُوا، وَلا يبِعْ بعْضُكُمْ عَلَى بيْعِ بعْضٍ.

Abuu Hurayra Alle raali haka noqdee waxaa laga soo weriyay in Rasuulka yiri (NNKH) “Ha is xaasidinina, ha is jaajuusinina, ha isku caroonina, ha isku dhabar jeedinina, yuusan gadan qaarkiin qaarka kale”.

Haddaba qofkasta oo Muslim ah waa in ay ka dheeraadaan xaasidnimada, jaajuusnimada, carrada iyo dhabar jeedinta.

  1. Caddaalad darro: Waxaa jira caddaalad darro baahsan oo ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, wayna isdulmiyeen mid aad udaran oo xoogan. Waana nasiib darada xun ee nagu habsatay iyo masiibadaan aan ka bixi la’nahay. Waxaan ka dhaxalnay abaaro joogta ah, dagaalo, amni darro, cuduro aan la aqoon iyo cabsi joogto ah waayo haddii aan la helin caddaalad waa adagtahay in aad hesho waxa aad doonayso waxaadna ku noolaan inta kor kuxusan iyo kabadan. Waxaana kuu dheer tan Alle oo xisaab daran ayaa kaa dambayn doonta.

Haddii aan Soomaalinahayna waxaanba ku faanaa caddaalad darrada, waxaan ku dhaqanaa wax aan haboonayn, maskiinkii aan tabar lahayn ayaan dhacnaa, kii xoogleh ayaan ugu kaalmaynaa dulmi iyo sadbursi waxaana ka dhaxalnay dhibkaan aan faraha kula jirno diiniyanna aan haboonayn.

قوله تعالى: وَلاَ تَأْكُلُواْ أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِل

Alle Qur’aankiisa wuxuu ku yiri “Ha cuninina maalkiina dhexdiina baadilnimo”.

Alle wuxuu nooga digay in aynaan cunin maal si baadil ah oo aan ahayn xaq, inta qof la dulmiyo laga qaato xaqiisa lana siiyo mid kale oo aan xaq ulahayn.

  1. Laaluushka: Waxyaalaha aan ka dhaxalnay waddaniyad xumada waxaa kamida in aan ku shaqeyno laaluush anagoo mid ka qaadanayna lacag si aan danihiisa ugu fulino, waxaa laga yaabaa ruuxaas in uu dhib iyo fasaad ku hayo dadka, diinta iyo dalkaba. Waxaa lagayaabaa in uu bann-aysanaayo wax uusan xaq ulahayn isagoo lacag laaluusha siinaayo qof kale si uu arrin ugu fuliyo.

Waxaa ugu badan oo laaluushka bixiya waa kuwa xilal doonka ah, kuwa raba xaq waxaysan ulahayn in ay dhacaan si ay uhelaana dantooda waxay baxshaan lacag iyo wax udhigma. Diinta islaamka aad bay uga soo horjeesatay in la baxsho laaluushka, diinteenu ma ogola.

الحديث الشّريف قوله عليه الصّلاة والسّلام: (لعنةُ اللَّهِ علَى الرَّاشي والمُرتشي) صحيح

Xadiis saxiix ah ayaa laga soo weriyay suubanaheena (NNKH) wuxuu yiri “Nacalad haku dhacdo ruuxa baxsha laaluushka iyo kan qaataba”.

Alle hanaga najeeyo nacalad iyo wixii lamida waayo erayga nacalad waa erey muujinaya heerka uu gaarsiisanyahay laaluushka. Waxaa haboon ruux kasta oo Alle garanaya, muwaadin ah oo waddani ah in uu ka dheeraado laaluush iwm.

  1. Tuuganimo: Tuuganimo waa in aad xado shay ama wax udhigma adoo ku qaadanaya sifo aan sharci ahayn iyo tuuganimo. Qofka dadka xoolahooda xada isagoon loojeedin ayaa la dhahaa Tuug. Haddaba diiniyan maxay ka qabtaa tuuganimada? Sida cad diinteenu waa ay sheegtay abaalmarinta qofka tuuga ah, sidaas darteed waa in qofka islaamka ah uusan samayn xatooyo isagoo la arkaayo iyo isagoon la arkaynba.

قال تعالى ( والسارق والسارقة فاقطعوا أيديهما جزاء.

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yiri: “Tuuga iyo tuugada waxaa la jarayaa gacmaha qeyb kamida”.

Haddaba waxaan fahmaynaa farqiga udhexeeya tuuganimo, laaluush qaate iyo musuq maasuqe. Musuqu waa in aad xoolo dadweyne xado. Tusaale ahaan waxaad Bangiga kala baxday 100,000 doolar sifo aan sharci ahayn waxaana la dhahaa Musuq-maasuq, waxaana dadka kula og siisay qeyb kamida lacagtii oo aad usiisay intaana qaata iga aamusa waxaa la dhahaa Laaluush. Tuuganimowaa in aad xoolo meel yaala aragto ama dafto ka dibna aadba qaadato wixii oo dhan.

  1. Qaran dumin: Waddaniyad xumada waxaan ka dhaxalnay in aan qarankeena dumino, kuna dumino Qori, Qallin. Waxaan dhulkeena quruxda badnaa ku burburinay qori, waxaana intaas usiiraacinay qallin oo waxaan sheegnay xumaha waddankeena, waxaana buunbuuninay meelaha aan ku liidano, waxaana ku soohagnay dad shisheeye si waddankeena uboobaan.

Waxaa jira dad xun oo dadka walaalaha ah kala geeya, isku dira, jaajuus ah oo aan ka shaqeyn wanaag iyo midnimo. Waxa uu kala qeybiyaa dad walaalo ah oo hilbo wadaag ah, wuxuuna isku diraa kuwa wada dhashay, wuxuuna kala fogeeyaa dad Muslim ah, wuxuuna hubka isugu dhiibaa hilbo wadaag, waxayna ka bacmushtaraan dhiiga dadka qubanaya, iyagoon garanayn waxa ay ku dilayaan ama uqubayaan dhiigga qofka islaamka ah, iyadoo diinteena Islaamka ah sharaftay qofka oo dhiigiisana iyo cirdigiisa dhowrtay.

عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ – رضي الله عنه – قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ: لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ; يَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَنِّي رَسُولُ اللَّهِ، إِلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ; الْمُفَارِقُ لِلْجَمَاعَةِ. مُتَّفَقٌ عَلَيْه

Ibnu Mascuud Alle raali haka noqdee waxaa laga wariyey in Rasuulku (NNKH) yiri “xalaal ma ahan dhiigga muslimka ah saddex xaaladood midkood maahane. Garoob sinaysatay, naf naf dishay iyo qof diinkiisa ka tagay oo Jamaacadda laga waayay”.

Haddaba saw ma haboona in aan iska ilaalino dhiigga qofka, xataa saddexda qof ee la sheegay in dhiigoodu bannaanyahay qof walba ma samayn karo ilaa qaadiga waddankaas ama wadaadka haysta meeshaas usareeya maahane cid kale oo fulinaysa ma jirto. Waa in aan iska ilaalino qof islaam ah in aan dhiigiisa qubno, waayadaan danbe waxaa batay in dhiiga qofka islaamka ah iska daato bilaa macne, taas oo ah dulmi iyo xadgudub bini’aadanimo.

Waxaa kale oo Alle Qur’aankiisa ku yiri

وفي القرآن الكريم: إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ [الحجرات{

“Muuminiintu waa walaalo, wanaag dhex dhiga walaalaha”.

Alle mar kale oo uu ka hadlaayay isku duubnida iyo in xariga Eebbe la qabsado waxa uu ku yiri Qur’aankiisa.

وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُو.

“Qabsada Xarigga Eebbe dhammaantiin, hana kala taganina”.

Aayad kale waxay leedahay Alle wuxuu idin amrayaa caddaalad iyo in aad isku asxaan fashaan.

قال الله تعالى: إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسان

“Alle wuxuu idin amray caddaalad iyo wanaag in aad samaysaan”.

Qof kasta oo islaam ah waddani ah waa in uu ka shaqeeyo wanaaga, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa dhistaan oo wanaagna muujiyaan. Waa in qof walba oo islaam ah ka shaqeeyo wanaaga, kana fogaado waxa keeni kara burbur, kala yaac iyo kala fogaansho. Waa in aan ka shaqeyno sidii aan isugu keeni lahayn dhammaan islaamka una fari lahayn wanaaga.

حديث أنس t عن النبي ﷺ قال: لا يؤمن أحدكم حتى يحبَّ لأخيه ما يحبُّ لنفسه

Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri “Axadkiina ma rumayn ilaa wuxuu jecelyahay la jeclaado walaalkiis”.

____

Buugga: Haddimada Qabyaaladda

W/Q. Drs. Ruun Siciid Faarax

Sookoobay: Maxamuud Axmed Muuse “Tallman”

Facebook Comments Box

Ogaal yar oo ku saabsan buugga Saacadihii Badbaadada - Diblomaasi.com (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Francesca Jacobs Ret

Last Updated:

Views: 5754

Rating: 4.8 / 5 (48 voted)

Reviews: 95% of readers found this page helpful

Author information

Name: Francesca Jacobs Ret

Birthday: 1996-12-09

Address: Apt. 141 1406 Mitch Summit, New Teganshire, UT 82655-0699

Phone: +2296092334654

Job: Technology Architect

Hobby: Snowboarding, Scouting, Foreign language learning, Dowsing, Baton twirling, Sculpting, Cabaret

Introduction: My name is Francesca Jacobs Ret, I am a innocent, super, beautiful, charming, lucky, gentle, clever person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.